Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo magacaabay Ergayga DFS ee Arrimaha Abaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ahaa musharrixiintii Madaxweynaha DFS Ergeyga gaarka ah ee ‘Arrimaha Abaaraha iyo Bini’aadamnimada Soomaaliya’, sida ay BosasoOnline u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida adag u diidanaa hab-dhaqankii siyaasadeed ee Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo isniintii wareejiyay xafiiska Villa Soomaaliya.

Doorashadii dhacday 15 bishan May, ayuu Warsame helay wareegii kowaad codad gaaraya 15 Xildhibaan, kuwaas oo uu wareegii labaad ku biiriyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ahaayeen xulufo siyaasadeed, kuna wadajireen Golaha Midowgii Musharrixiinta.

Magacaabista Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay ka jirto abaar, iyadoo xaalad Bini’aadamnimo ay ka jirto deegaano kamid ah dalka, sidoo kalena malaayiin ruux oo Soomaali ah qarka u saaran yihiin macluul daran.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS