Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abu Maansuur”, oo muddo saddex sano iyo bar ah u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo oggolaaday in lagu booqan karo guri ku yaalla caasimadda Muqdisho, oo uu ku yahay xabsi guri.
Yuusuf Xasan Mursal oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, maalmo kahorna booqday Mukhtaar Roobow, ayaa sheegay in muddo bil ah Abu Maansuur loo ogolaa isticmaalka Telefoonka, haddana la fasaxay in la booqdo.
Wareysi uu siiyay BBC-da, ayuu Yuusuf Xasan ku sheegay inay rajeynayaan in Mukhtaar uu dib u helo xoriyaddiisa, maadama uu dalka isbedel ka dhacay. Sidoo kale, Waxaa uu xusay inay kulan la qaadan doonaan marka uu xafiiska la wareego Madaxweynaha cusub ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud, si ay ugala hadlaan sii deyntiisa.
Mukhtaar Roobow oo soo noqday kuxigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, ayaa bishii August ee sannadkii 2017kii isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu Al-Shabaab ka goostay sannadkii 2013kii, oo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Goddane, oo Mareykanku duqeyn ku dilay 2014kii.
December, 2018kii, ayaa Ciidanka DFS oo garab ka helaya Ciidanka Itoobiya ee kamidka ah Howlgalka ATMIS kasoo qabteen caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed “Baydhabo”, xilli uu olale ugu jiray doorashada Madaxweynaha maamulkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa intii uu ahaa mucaaradka Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo marar badan fagaarayaal ka sheegay in xariga Mukhtaar Roobow uu salka ku hayay arrimo siyaasadeed, maadama DFS aysan xirin xilligii uu isa soo dhiibay. Lama oga haddase go’aanka uu ka qaadan doono xariga “Abu Maansuur” oo sii deyntiisa ay cabsi ka qabaan maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiye Madaxweyne Cabdicaziiz Xasan Maxamed “Laftagareen”.
BOSASO ONLINE