Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii labaad kulan kula qaatay Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweynaha cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii dhacday axadii, ayaa lagu wadaa in uu horaanta todobaadka soo socda la wareego xafiiska Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo ay socota qabanqaabada munaasabadda xil-wareejinta. Sidoo kale, xil wareejinta kaddib Madaxweynaha cusub ee JFS ayaa isku diyaarinaya munaasabadda Caleema-saarka.
BOSASO ONLINE