Ankara (Bosaso Online) Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga, Hakan Fidan ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland 25 bishii December ee 2025.
Hakan Fidan oo wareysi siiyay warbaahinta Turkiga ee TRT – ayaa xusay in Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland ujeeddo xun oo ay ka leedahay gobolka, balse aysan ahayn dan Reer Somaliland.
“Waxaan u arkaa aqoonsi ay Israa’iil siiso Somaliland inuu yahay nasiib darrada ugu weyn ee suuragalka ah in ay ku dhici karto Somaliland. Waxaan ula jeedaa maxaa ka nasiib darro badan oo ku dhici kara bulsho muslim ah” ayuu yiri Hakan Fidan.
Hakan ayaa intaa ku daray “Somaliland qofna kuuma aqoonsana, kan keliya ee ku aqoonsadana waa Israa’iil. Taasna ma aha adiga dartaa, ee waa in laguu adeegsado ujeeddo xun, laguna adeegsado mid ka mid ah siyaasadaha goboleed ee ay Israel leedahay.”
“Haddii Ilaahay kugu oofsado adigoo ku jira xaaladdan, markaas tani dhab ahaantii waa dullinimo iyo ciqaab weyn. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in qofku is xakameeyo” ayuu sii raaciyay Wasiirka arrimaha Dibada Turkey Hakan Fidan.
Turkiga ayaa saameyn balaaran ku leh deegaanada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo maamula inta badan ila dhaqaale ee DFS, sida Dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana dhowaan loo meelmariyay heshiisyo waa weyn, kuwaas oo taabanaya jiritaanka Soomaalida, sidda khayraadka badda iyo shidaalka Soomaaliya oo uu sheegay in dhowaan uu bilaabayo qodistiisa.
BOSASO ONLINE





