Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed waxa ka dhexeeya ay tahay Diinta oo kali ah.
Isagoo ka hadlayay masjid ku yaalla suuqa bakaaraha ee Muqdisho, oo uu maanta ku tukaday Salaada jimcaha – ayuu Madaxweyne Xassan Shiikh xusay in Soomaalidu ay yihiin dad kala qabiil, deegaan iyo dan ah, midda kali ah ee midaysana ay tahay Diinta islaamka.
“𝑼𝒎𝒎𝒂𝒅𝒅𝒂 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒆𝒆𝒅 𝒉𝒂𝒅𝒂𝒂𝒏 𝒏𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒘𝒂𝒙𝒂 𝒌𝒂𝒍𝒊 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝒏𝒂𝒈𝒂 𝒅𝒉𝒆𝒙𝒆𝒆𝒚𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝑫𝒊𝒊𝒏𝒕𝒂. – 𝒌𝒂𝒍𝒂 𝒒𝒂𝒃𝒊𝒊𝒍 𝒃𝒂𝒂 𝒏𝒂𝒉𝒂𝒚, 𝒌𝒂𝒍𝒂 𝒅𝒆𝒆𝒈𝒂𝒂𝒏 𝒃𝒂𝒂 𝒏𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒌𝒂𝒍𝒂 𝒅𝒂𝒏𝒐 𝒃𝒂𝒂 𝒏𝒂𝒉𝒂𝒚, 𝒍𝒂𝒂𝒌𝒊𝒊𝒏 𝒘𝒂𝒙𝒂 𝒌𝒂𝒍𝒊 𝒂𝒉 𝒆𝒆 𝒏𝒂𝒈𝒂 𝒅𝒉𝒆𝒙𝒆𝒆𝒚𝒂 𝒆𝒆 𝒂𝒚𝒏𝒂𝒏 𝒌𝒖 𝒒𝒂𝒚𝒃𝒔𝒂𝒏𝒂𝒚𝒏 𝒆𝒆 𝒂𝒂𝒏 𝒘𝒂𝒅𝒂 𝒉𝒂𝒚𝒔𝒂𝒏𝒐 𝒆𝒆 𝒂𝒂𝒏 𝒌𝒖 𝒎𝒊𝒅𝒆𝒚𝒔𝒂𝒏𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒘𝒂𝒂 𝒅𝒊𝒊𝒏𝒕𝒂 𝒊𝒔𝒍𝒂𝒂𝒎𝒌𝒂” – 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝒚𝒊𝒓𝒊 𝑴𝑾 𝑿𝒂𝒔𝒔𝒂𝒏 𝑺𝒉𝒊𝒊𝒌𝒉.
Hadalka kasoo yeeray MW Xassan ayaa kusoo aadaya xilli dalka Soomaaliya uu wajahayo kala daadsanaan, ayna Israa’iil aqoonsatay Somaliland oo sannadkii 1991dii ku dhawaaqday in ay ka go’day Jamhuuriyadda Soomaalida ee la yagleelay 1960kii.
BOSASO ONLINE





