Sawirro: PDON oo Garoowe ku qabatay Shirka Hirgalinta Istiraatijiyadda Dalladda ee 2025-2027

Garoowe (Bosaso Online) Dalladda Ururrada Naafada Puntland ee PDON ayaa soo gabogabeysey Shir labo maalmood ahaa oo ku saabsanaa Bandhigga iyo Hirgalinta Istiraatijiyadda Dalladda ee 2025-2027.

Istiraatiijiyaddan oo ka kooban Shan (5) Hiigsi oo mid walba ujeedooyin gaar ah leeyahay ayaa jiheyn doonta dhammaan hawlaha kala duwan ee dalladdu ka shaqeyn doonto ilaa 2027.

Intii shirku socdey waxaa la isku raacey nidaamka fulinta hawlaha shaqo ee Guddiga Fulinta, Sidoo kale waxaa la sameeyey habraacyo iyo shaqo hawleed ay ka muuqato doorka Urrurrada Xubnaha ka ah Dalladda, iyo Doorka Guddiga Sare ee Dalladda.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala Duwan ee Ururrada Xubnaha ka ah Dalladda, iyo Hay’daha Dawliga ah ee Bah-wadaagta la ah Dalladda ayaa kusoo dhammaadey si guul ah.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS