Ciidamada Puntland oo soo gabagabeynaya Howlgalka Calmiskaad, kahor bisha October

Dagaal culus oo galay maalinkii labaad ayaa ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kaas oo u dhexeeya ciidamada Difaaca Puntland iyo maleeshiyaadka kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Jimcihii abaare 11;00 barqanimo ayaa dagaalku ka bilowday labo aag, kuwaas oo ah Ceelka Yucrin iyo Togga Maraagaale ee dhaca Togga weyn ee Baallade’e, ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku dilay Tiro kamid ah dagaalyahanada kooxda Daacish.

Goobaha ay ka dhaceen dagaalladu ayaa ah meelihii ugu dambeeyay ee ay ku sugan yihiin firxadka kooxda Daacish, oo lagu jebiyay dagaallo adag oo ka dhacay buuraleyda Calmiskaad, gaar ahaan deegaannada dhaca Toggaga Jeceel iyo Miraale oo kooxdu ay ku lahayd fariisimo waa weyn iyo Talisyo looga arrimin jiray guud ahaan maleeshiyaadka Daacish ee ka howlgalla dalalka Barriga dhexe iyo waddamada dhaca bartamaha iyo galbeedka Africa.

Maraagaale – ciidamada Puntland oo ku guda jira Howlgalka.

In kabadan 10 Askari oo kamid ah ciidamada Puntland ayaa lagu dilay dagaalladii dhacay 40 saac ee u dambeeyay, waxaana jira dhaawacyada ilaa 15 askari, kuwaas oo diyaaradaha caafimaadku ay geeyeen magaaladda Boosaaso, si loogu fidiyo adeeg caafimaad, iyadoo kuwa culus loo qaadi doono dalka dibeddiisa.

Howlgalka oo la magac baxay Hillaac ayaa socda 8 bilood, waxaanna uu ku guda jira wajigii afaraad, ilo amni oo katirsan Puntland ay sheegaya in qorshuhu yahay in lasoo afmeero kahor bisha October ee sanadka 2025, halka dabayaaqada sanadkan ilaa horaanta sanadka 2026 la aadi doono howlgalka Onkod oo ah mid lagu beegsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee fariisimaha ku leh buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Labadii bilood ee u dambeeyay, Puntland ayaa dagaalka Calmiskaad ku biirisay in kabadan 500 oo askari oo cusub, kuwaa oo ka kala tirsan ciidamada Daraawiishta iyo PMPF, ciidamada ayaa ah kuwo dhameystay tababaro socda bilooyin, si ay bedel ugu noqdaan Boqollaal askari oo dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray dagaalka oo ah mid adag.

Dalalka Mareykanka, Ingariiska iyo Imaaraatka Carabta oo ah saaxiibka weyn ee Puntland – ayaa taageero dhinacyada sirdoonka iyo duqeymaha Hawada siinayay ciidamada Puntland, tan iyo markii uu billowday howlgalka Calmiskaad.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo maalmo kahor, lagu wareystay Barnaamij uu baahiyay Telefishinka SKY News ee laga leeyahay dalka Ingariiska ayaa xaqiijiyay in howlgalka ay Puntland ku gaar noqotay, marka laga soo tago taageero kooban saddexda dal, isagoo ku baaqay in dunidu qeyb ka noqoto dagaalkan, maadama kooxda Daacish aysan ahayn halis ay leedahay Puntland oo kali ah, ayna tahay argagixiso caalami ah oo cadow ku xasiloonida gobolka geeska Africa iyo guud ahaan caalamka.

Inta uu socdo Howlgalka, boqollaal kamid ah Daacish ayaa lagu dilay dagaallo toos ah iyo weerraro gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland. Xubnaha la dilay ayaa ah ajaanib isugu jira Africaan, Carab iyo kuwo u dashay qaar kamid dalalka Eeshiya. Tan ayaa muujisay in buuraleyda Bari ee Puntland ay Daacish ku lahayd fadhigooda ugu weyn, kaas oo kooxda u ahaa aag muhiim ah oo ay gabaadsadaan hoggaanka sarre ee Daacish, iyo il dhaqaale oo laga masruufo darafyada kale ee Daacish ku leedahay caalamka.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS