Diyaaradaha Turkish Airlines and Qatar Airways ayaa maanta baajiyay duulimaadyadoodii magaalada Muqdisho, kaddib markii hoobiyayaal lagu weeraray garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.
Inkasta oo Laamaha Amniga DFS aysan weli ka hadlin hoobiyayaasha lagu weeraray aroornimadii saaka garaoonka diyaaradaha Muqdisho, iyo khasaaraha ka dhasahay, haddana kooxda Al-Shabaab ayaa marar hore beegsatay garoonka iyo goobo kale oo muhiim ah.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Cabdulaahi Shiikh Cismaan (Farataag) ayaa sheegay in xubno katirsan argagixisada Al-Shabaab ay soo tuuraan hoobiyayaasha ku dhaca qeybo kamid ah Muqdisho.
“Waxaa jira kuwa nabad diid ah oo soo dhuumaaleysanaya, oo hoobiyayaal kasoo tuurtuuraya meelaha qaarkood, waxaan ku amaanayaa Dayniile 6 bilood ee u dambeysay hal madfac oo laga soo tuuray kuma dhicin magaalada Muqdisho” – ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha, Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Farataag oo maanta ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Dayniile.
Wasiir Fartaag ayaa xusay in Garasbaaley, Daaru-salaam, Gubadley, Dharkeenley iyo Kaxda ay yihiin meelaha laga soo tuuro hoobiyayaasha, isagoo ka codsaday shacabka kunool in ay ka hortagaan oo ay iska qabtaan dadka soo tuuraya hoobiyayaasha!.
Tan iyo markii Al-Shabaab qabsatay deegaano badan oo katirsan goballada dhaca daafaha caasimadda Muqdisho – Amniga magaalada ayaa u muuqda mid ka baxay gacanta DFS, waxaana kordhay weerarada argagixiso.
Todobaadyo kahor, Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ka badbaaday qarax weyn oo la doonayay in lagu khaarijiyo, xilli kolonyo gaadiid ah oo galbinaysay kasoo baxeen Madaxtooyada Villa Somalia.
BOSASO ONLINE