Mareykanka ayaa Si dirqi ah uga laabtay qorshe lagu doonayay in lagu dilo madaxweynaha cusub ee Suuriya axmed sharac .
Joojinta shirqoolka lagu dili lahaa madaxweynaha Suuriya waxay ku dhacday digniin ka timid boqorka urdun .
isku dayga dil ee Mareykanku u diyaariyay madaxweynaha suuriya waxay fajac ku noqotay boqorka urdun .
Boqor Cabdalla ayaa maraykanka u sheegay in dilkiisa ay ka dhalanayso Colaad baahsan oo saamaysa gobolka oo dhan .
Arintan sirta ahayd waxaa kashiftay Senator Jeanne Shaheen,waxayna tiri sidan .
“Waxaan ka walaacay wararka iga soo gaaray qaar ka mid ah xafiisyada siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulka trump,in hal ikhtiyaar la soo jeediyay kaasoo ahaa dilka hoggaamiyaha cusub ee dawladda Suuriya, Axmed al-Sharaa .
Nasiib Wanaag arintan dhiila lahayd waxaa hor istaagay boqorka urdun,Booqashadiisii ugu dambaysay ee uu ku yimid Washington ”
Side u aragtaa shirqoolka lagu khaarajin rabey madaxweynaha Suuriya?
BOSASO ONLINEÂ