Puntland oo walaac ka muujisay in firxadka Al-Shabaab soo galaan Gaalkacyo

Gaalkacyo (Bosaso Online) – Puntland ayaa walaac ka muujisay in firxadka kooxda Al-Shabaab ay soo galaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, xilli deegaanno katirsan koonfurta gobalka Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ay ka soconayaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay iska kaadhanayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka dadka deegaanka.

Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xassan ayaa sheegay in Gaalkacyo ay dhacdo xuduudka Puntland iyo Galmudug, ayna halis ugu jirto in ay soo galaan firxadka kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay dagaallada ka socda koonfurta.

Shacabka ayuu ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan Dowladda, xaqiijinta Amniga, si looga hortago in gabaad ay ka dhigato argagixisadu magaalada Gaalkacyo.

“Ciidamada Amniga waxaa loo baahan yahay in lagala shaqeeyo amniga, oo dadka guryaha magaalada iyo hotellada degan cidda kusoo siyaada in ay yiraahdaan qofkaas oo aan ka shakinay baa magaalada yimid” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Cabdisalaan oo maanta xarigga ka jaray saldhigga bartamaha Gaalkacyo.

Hadalka Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland ayaa kusoo aadaya xilli ay Puntland burburisay shabakaddo katirsan kooxda Al-Shabaab oo sannado badan ka howlgallayay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo ka geysan jiray magaalada.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS