Axmed Xasan Faarax (Seerile) waa shaqsi door weyn ku leh aasaaska deegaanka Bilcilka, oo ku yaalla inta u dhexeysa magaalooyinka Xarfo iyo Buurtinle. (Bilcil) oo gatirsay dagmada xarfo ee gobolka mudug (seerile) Sheekadiisu waa mid ka tarjumaysa geesinimo, hal-abuur, iyo dadaal loogu jiro horumarinta bulshada.
Sanadkii 1991, markii uu dalka Soomaaliya galay burburkii dowladnimo, (seerile) wuxuu kasoo qaxay magaalada Muqdisho, isaga oo raadinaaya nabad iyo nolol ka duwan colaaddii uu ka soo cararay. Muddo sanooyin ah ayuu ku sugnaa meelo kala duwan, laakiin ugu dambeyntii sanadkii 1998, wuxuu ku dhaqaaqay go’aan muhiim ah oo ah in uu dhiso deegaan cusub oo nabdoon. Sidaas ayaa loo aasaasay deegaanka (Bilcilka)
(Seerile) ma ahayn oo kaliya qof deegaan dhisaya, balse wuxuu ahaa hogaamiye bulsho oo leh aragti fog. Wuxuu aaminsanaa in horumarka dhabta ah uu ku xiranyahay waxbarashada. Sidaas darteed, wuxuu ku deeqay dhul si loogu dhiso dugsi Qur’aan iyo iskuul. Tallaabadan waxay sababtay in carruurta deegaanka ay helaan fursad waxbarasho, taasoo ahayd mid aan hore uga jirin halkaas. (Seerile) ayaa dadga degaan mudo gabacdi u xilsaaren inuu mamule ganoqdo iskuul sanadku markuu ahaa 12/10/2022 isagoo gashanayo aqoondisa iyo kartidisa ayuu wax baxbarshadi kor uso qaday oo garsiyay (dugsi) hoose dhaxe
Deegaanka (Bilcilka) oo markii hore ahaa meel yar, ayaa maanta noqday magaalo si tartiib ah u kobcaysa. Dadka deegaanka oo isku duuban ayaa ku dhiiraday inay dhistaan noloshooda, iyaga oo ku dayanaya halgankii iyo juhdigii (seerile).

Sheekada (seerile) waa xusuus u ah in hal qof, oo leh daacadnimo iyo juhdi, uu wax weyn ka beddeli karo nolosha bulsho dhan. Deegaanka (Bilcilka) maanta waa sumcad u taalla dadaalkaas, waxaana mustaqbalka laga filan karaa horumar ballaaran.
BOSASO ONLINE