Gaalkacyo (Bosaso Online) – Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa ku geeryooday, afar kalena waa ku dhaawacmeen kaddib markii koox hubeysan ay weerar ku qaadeen xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Dableyda weerarka ku qaaday xabsiga ayaa u abaabulnaa qaab qabiil, waxaana ay doonayeen in ay la baxaan maxaabiis ay maalmo kahor xukun ku riday Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Dowladda Puntland. Balse, go’aanka Maxkamadda ayaa waxaa kahor yimid odayaasha Beesha, ay kasoo jeedaan.
Ragga maxaabiista ah ayaa horey ugu dilay Gaalkacyo ganacsade Axmed Tahliil, oo ku sugnaa goobtiisa ganacsi. ilaalada xabsiga ayaa kahor istaagtay in ay baxsadaan xilli uu socday weerarka lagu soo qaaday xabsiga.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan weerarka subaxnimadii saaka lagu qaaday xabsiga Gaalkacyo, oo kamid ah kuwa ugu waa weyn Puntland.
Xabsiga weyn ee Gaalkacyo ayaa horey marar badan loogu qaaday weeraro culus, kuwaas oo qaarkood burbur kasoo gaaray xabsiga.
BOSASO ONLINE