Sawirro: Madaxweynaha Faransiiska oo ku sugan Jabuuti. Ujeedada booqashadiisa

Jabuuti (Bosaso Online) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku sugan dalka Jabuuti oo uu soo gaaray gelinkii dambe ee jimcihii. Booqashada Macron ayaa qaadan doonta labo maalmood, sida ay shaacisay Madaxtooyada Jabuuti.

Inta uu ku sugan yahay Jabuuti, Emmanuel Macron ayaa kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Jabuuti iyo Faransiiska.

Faransiiska ayaa dalka Jabuuti ku leh saldhiggiisa milateri ee ugu weyn Afrika, kaas oo uu dhistay 1977 [kahor xornimada Jabuuti]. Madaxweyne Macron ayaa kormeeri doono aaggan milateri.

BOSASO ONLINE

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS