Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed [Cirro], ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Somaliland, kaddib doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday deegaanada Somaliland, ayna codeeyeen in kabadan 638,126 oo kun oo qof, kuwaas oo ku kala nool 17 degmo oo cedeyntu ka dhacday.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka tartamayay xisbiga Waddani ee la aasaasay 2011kii, waxaana tartankan uu ahaa kii labaad ee uu ka qeybgalo, isagoo 2017kii loollan adag la galay Madaxweynaha hadda uu ka guuleystay Muuse Biixi Cabdi oo ka tartamayay xisbiga Kulmiye.
Taariikh nolaleedka Cabdiraxmaan Cirro.
29 April, 1955 – ayuu ku dhashay magaalada Hargaysa, Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, isagoo waxbarashada dugsiga hoose/dhexe iyo Sare ku qaatay deegaanada Somaliland.
Waxbarashada heerka Jaamacadeed ayuu ka bilaabay Muqdisho, isagoo Diploma labo sano ah ku qaatay Machadka Maamul-Horumarinta iyo Maareynta «SIDAM», halka shahaadada heerka kowaad uu ku diyaariyay “Accounting” oo uu ka qaatay isla machadka SIDAM oo kaashanaya University of California.
Heer labaad ee Jaamacadda ayuu ku diyaariyay MBA, oo ka qaatay University at Albany oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa kamid ahaa dublamaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo 1981 ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibedda – waxaana sanadkii 1988 loo magacaabay qofka labaad safaaradda Soomaaliya ee dalka Ruushka, gaar ahaan Moscow.
Waa mid kamid ah 10 carruur ah oo uu dhalay AUN Aabbe Cabdullaahi Maxamed Cigaal, oo ahaa sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya, halka Cirro uu yahay Aabbaha 5 carruur ah oo Wiilal ah.
2005 ayaa uu noqday xildhibaan kamid ah Golaha Wakiillada Somaliland, isagoo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hayay 12 sano. Waxaana uu Cabdiraxmaan uu hadda ku guuleystay doorashada Madaxweynaha uu helay 63.92%, halka Madaxweynaha hadda talada haya oo ahaa musharraxa ay loolamayeen uu helay 34.81% codadka shacabka.
Cirro ayaa lagu tilmaama siyaasi degan, oo coleytanka ka jecel wadahadalka. Imaanshihiisa ayaa kaga dhigan Somaliland xasilooni siyaasadeed, maadama garbihiisa ay ka muuqdaan inta badan siyaasiyiinta jilba culusta ah ee Somaliland.
Abdirashiid A. Warsame
BOSASO ONLINE