Madaxweynihii hore ee Somaliland [Siilaanyo] oo geeryooday

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa geeryooday.

AUN Axmed Siilaany ayaa sanadkii 1938 ku dhashay magaalada Burco ee gobalka Togdheer, waxaana uu hadda ku geeryooday da’da 86 sano.

Waxaa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii soo maray Soomaaliya, isagoo noqday Agaasime Guud ilaa heer Wasiir, waxaana uu soo noqday Wasiirka Ganacsiga Dowladdii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre.

Siilaanyo ayaa kamid ahaa Aasaasayaashii jabhadii SNM ee dagaalka la gashay dowladdii Milateriga, waxaana uu kasoo noqday Guddoomiye. Kaddib burburkii Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa uu kamid ahaa udub dhaxaadkii aasaasay maamulka Somaliland 1991dii, waxaana 2010 ilaa 2017kii uu ahaa Madazweynaha Somaliland.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS