UPDATE: DOORASHADA SOMALILAND & DHACDOOYINKA LA XIRIIRA

Hargeysa, 12 November – 11 saacadood kaddib, in kabadan 1.2 Milyan oo kamid ah shacabka Somaliland ayaa u dareeri doona goobaha codbixinta oo dhan 2,637 seejo oo ku yaalla 17 degmo oo katirsan deegaanada Somaliland.

Doorashada oo ah mid isku sidkan ayaa shacabku u cadeyn doonaan saddex musharrax oo u taagan kursiga Madaxweynaha, kana socda Xisbiyada UCID, Waddani iyo Kulmiye oo uu mar kale tartanka doorashada ku matali doono MW Muuse Biixi Cabdi oo 7 sano jooga xafiiska. Sidoo kale, shacabka ayaa kala dooran doona 10 Urur siyaasadeed oo doonaya in ay noqdaan saddexda xisbi ee Somaliland ka jiri doona 10 sano ee soo socota.

18 Milyan oo dollar ayaa ku baxaysa doorashada, iyadoo 14 milyan oo kamid ah dhaqaalahaas ay bixisay Somaliland, halka 4 milyan laga helaay deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

Doorashada ayaa kamid ah kuwii ugu adkaa ee soo mara deegaanada Somaliland, waxaana ay imaanaysa xilli 7 sano ee lasoo dhaafay ay deegaanadaan ka howlgaleen jabhadihii ugu badnaa ee kasoo horjeeda hoggaanka siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi, dhinaca kalena gacanta Somaliland laga saaray degmooyinka gobalka Sool ee ay qabsatay 17 sano kahor.

Cabdiraxmaan Cirro oo dublamaasi u soo shaqeeyay Dowladdii kacaanka ee Soomaaliya, 12 sano-na ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ah musharraxa sida weyn ula loolamaya markii labaad Muuse Biixi oo kamid ah Korneyladii Dowladdii Milateriga, balse ku biiray jabhadii SNM ee diidanayd Madaaxweyne AUN Maxamed Siyaad Barre.

Kala doorashada Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi – ayaa ugu asteysan shacabka Somaliland ‘xasilooni siyaasadeed iyo awood milateri’

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS