Wariye Cabdiraxmaan Wadani oo ka badbaaday isku day dil

Warar naga soo gaaraya magaalada Garowe ee caasimada Puntland, ayaa sheegaya in caawa fiidnimadkii dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen wariye ka tirsan Idaacadda Radio Garowe.

Kooxda weerartay wariyaha oo ku hubaysnaa bastoolado ayaa rasaas huwiyey wariye Abdirahman Jama Hashi (Abdirahman Wadani) oo ah tafatiraha Radio Garowe, xili uu kusii jeeday gurigiisa.

Kooxda weerartay wariye Abdirahman Wadani ayaa rasaastii ay huwiyeen wariyuhu uu ka badbaaday, balse waxa ay ka baxsadeen goobta uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada amaanka oo goor dambe gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaan faah faahin ka bixin sidii ay wax u dhaceen, waxaana wariyaha oo aan xiriir la samaynay uu noo sheegay in hada xaaladiisa caafimaad ay haatan tahay mid wanaagsan.

Weerarka caawa lagu qaaday wariye Abdirahman Wadani ayaa kusoo beegmaya uun maalmo ka hor markii Idaacadda Radio Garowe uu ka baahiyey wariyuhu barnaamijka Sama Wade oo ah barnaamij olole ah oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, welina ma jirto cid ka hadashay dhacdan caawa ka dhacday Garowe.

Wixii faahfaahin ah kala soco Bosaso Online

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS