HARGEYSA: Safiirka QM oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimadda maamulka Somaliland ee Hargeysa, isagoo kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, Danjire Swan iyo Biixi ayaa ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin doorashada Madaxweynaha iyo xaalada gobalka Geeska Africa, xilli weli ay meel sare mareyso xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay is afgaradkii Addis Ababa ay ku saxiixdeen RW Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi.

“Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa” ayuu lagu yiri qoraal kooban oo ay baahisay Madaxtooyada Hargeysa.

Somaliland ayaa 13 November ee sanadkan, qabanaysa doorashada isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda – waxaanna loolan adag wajahaya Biixi oo 7 sano ee lasoo dhaafay joogay xafiiska. Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland, ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa la tabinayaa in fursad weyn heysto, isagoo taageero ka helaya xubno sare oo siyaasadda Somaliland saameyn ballaaran ku leh.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS