Mileeshiyaad ka tirsan argaixisada Daacish ayaa xalay oo taariikhdu ahayd 6/06/2024 weeraray guriga wasiirkii hore ee degaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk) ee magaalada Boosaaso.
Weerarka oo soconayay mudda kooban waxa lagu dilay wasiirka Walaalkiis Najiib Yusuf Mohamed oo ku sugnaa guriga la wareeraray sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah.
Xiriir aan la samaynay wasiir hore Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk) ayaa ku ogaanay in uu ka maqnaa gurigiisa Boosaaso markii ay weerarka ku qaadayeen dableyda hubaysan ee ka tirsan mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish.
Dhawaan ayay ahayd markii meel u dhow magaalada Bosaso lagu qarxiyey gaariga wasiirkii degaanka Axmed Labayk isagoo u socday Garowe waxaan ku geeriyaday darweelkii gaariga waday.Kooxda daacish ayaa dilal kala duwan oo qorshaysan ka fulisay Magaalada Bosaso marar badan.
BOSASO ONLINEÂ