DENI & DIYAANO: Loollanka mushruuca Amni ee Mareykanka iyo xiisada Boosaaso

Taliska ciidamada PSF Puntland, ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa arbacadii ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin in garoonka diyaaradaha Boosaaso uu saldhig ciidan u ahaado ciidamada PMPF Puntland, oo uu hoggaamiyo Cabdirabi Cabdisamad Maxamed oo ay ilmo adeer yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Maxamuud Diyaano, ayaa waraaq uu soo saaray ku sheegay in loo diiday ciidamada PSF, adeegsiga garoonka diyaaradaha Boosaaso, isagoo xusay in maalinimadii shalay laga hor istaagay inay ka dhoofaan askar kamid ah PSF oo xaalad caafimaad ugu amba-bixi lahaa dalka dibeddiisa.

PSF iyo PMPM oo ku dagaalamay garoonka Boosaaso – July 2022

Xiisada cusub iyo loollanka mashruuca taageerada Amni ee Mareykanka.

Sida ay ogaatay BOSASO ONLINE – Wafti ka socda Mareykanka ayaa kusoo wajahan maalmaha soo socda magaalada Boosaaso, kuwaas oo qiimeyn ku sameynaya ciidamada kala jabay PSF iyo PISF.

Siciid Deni oo dhowaan kula kulmay Nairobi, xubno sare oo ka socda Mareykanka ayaa cabasho ka muujiyay qorshaha Mareykanka eek u wajahan taageerada Amni ee Puntland, isagoo dalbaday in lasoo afmeero doonistooda ku wajahan dib u bilaabista taageerada ciidamada PSF ee hoggaankooda uu hayo Maxamuud Diyaano.

MW Deni & Safiirka Mareykanka – Kulanka Nairobi

Deni ayaa la xaqiijiyay in uu la wadaagay xubnaha Mareykanka in PSF ay hadda ku kooban tahay ciidamo qoys, iyo koox ka ganacsata hubka, ayna kasoo baxeen ciidamadii rasmiga ahaa, kuwaas oo hadda ka wada tirsan Hay’adda PISF ee la dhisay Maarso 2022. Waxaana uu codsaday in loo weeciyo taageerada Mareykanka, ayna la wareegaan tababarada, saadka iyo mushaar siintooda, si loo xoojiyo doorka Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ku sugan buuraleyda goballada Bari iyo Sanaag.

Tan ayaa soo dadajisay in Mareykanku u yeero Maxamuud Diyaano, lana hor-dhigo eedaha Deni, iyagoo u sheegay in ay imaan doonaan Boosaaso, si ay qiimeyn ugu sameeyaan. Mr. Diyaano ayaa Garoowe kasoo degay horaantii todobaadkan, isagoo bilaabay tallaabooyin uu uga jawaabayo qorshaha Deni.

Saraakiil kamid ah Madaxtooyada Puntland, ayaa inoo sheegay in wafti ka socda Mareykanku soo degi doonaan gudaha bishan September (15 – 25 Sep), ayna booqan doonaan labada ciidan. BO ayaa sidoo kale ogaatay in Deni uu hadda bilaabay dib isugu abaabulka ciidamada PISF, isagoo u magacaabi doona hoggaan cusub, maadama xilka laga qaaday Agaasimihii hore, Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr, oo hadda ah La-taliyaha Sarre ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga.

Taliyihii hore ee PISF, Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr

Culeyska heysta Hay’adda PSF.

Ciidamada PSF, oo hoggaankooda dib loogu magacaabay Maxamuud Diyaano kaddib diidmadii xil ka qaadista lagu sameeyay iyo dagaaladii ka dhacay Boosaaso December 2021 – ayaa hadda u jira magac ahaan, iyadoo ay isaga taageen inta badan saraakiishii iyo askartii muhiimka ahayd ee Hay’adda. Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay arbacadii shalay, tiro badan oo kamid ah askarta koobneyd ee Hay’adda ayaa isaga soo baxay xeryahooda Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo ku biiray Hay’adda PISF ee hoostagta hadda Taliska ciidamada PMPF.

PSF ayaa hadda adeeg iyo guno ka hesha Mareykanka, iyadoo loo soo marsiiyo ciidamada kumaandooska DFS ee DANAB, kuwaas oo Mareykanku bixiyo taageeradooda.

Khuburada Arrimaha ammaanka ayaa qaba in haddii wafti kasocda Mareykanku yimaado Boosaaso, ayna sameeyaan qiimeyn sax ah ay suuragal tahay in u joogsado taageerada kooban ee hadda la siiyo PSF, maadama ay Hay’adda ka wada tageen saraakiisha iyo askarka ku jirtay diiwaankooda, taasna ay si weyn uga dagaalamayaan Maxamuud Diyaano iyo kooxdiisa, si loo baajiyo imaanshahooda.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS