Hay’adda naafada Qaranka oo kaashanaysa Dallada naafada Puntland ee PDON ayaa ku qabatay caasimadda Puntland ee Garoowe kulan looga hadlayay hirgelinta Axdi qarameedka caalamiga ah ee Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Qaramada Midoobay.
Axdiga oo dhowaan ay saxiixday Soomaaliya ayaa damaanad qaadaya ilaalinta dadka naafada ah, iyo in laga hortaggo xadgudubyada ka dhanka ah.
Guddoomiyaha Dallada naafada Puntland, Mudane Cali Cabdi Aadan ayaa sheegay inay muhiim tahay in si buuxda looga hirgeliyo dalka axdiga caalamiga ah naafada Adduunka, kaas oo Soomaaliya ay saxiixday.
BOSASO ONLINEÂ