BOOSAASO (BOSASO ONLINE) Taliska Qeybta Booliska gobalka Bari ayaa bandow kusoo rogay magaalo-ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso, wixii ka dambeeya 11:00 habeenimo, xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga Boosaaso.
G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, Taliyaha Booliska gobalka Bari ayaa sheegay in ciidamada Amnigu bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxaha geysanaya falalka ammaan-darro, ayna beegsan doonaan cid kasta oo lagu helo inay amni-darada qeyb ka yihiin.
Dirir ayaa sheegay in cid aan ahayn ciidamada ammaanka ee howlgallada wada aan loo ogalaan doonin in hub ay ku dhex qaataan Boosaaso, isagoo u soo jeediyay askarta dowladda ee aan shaqada ku jirin inay iska dhigaan qoryaha iyo agabka ciidamada.
Shacabka ayuu ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada, si looga guuleysto kooxaha amniga lidiga ku ah, halka ganacsatada uu u soo jeediyay inay joojiyaan cabsida garabna siiyaan hay’addaha amniga.
Bam-gacmeedyo ayaa habeenadii lasoo dhaafay lagu weeraray shirkaddo ganacsi oo ku yaalla Boosaaso, waxaana jiray khasaaro kala duwan oo ka dhashay. kooxaha argagixisada ah ee AlShabaab iyo Daacish oo fariisimo ku leh dhulka buuraleyda ah ee goballada Bari iyo Sanaag ayaa qeyb ka ah ammaan-darada Boosaaso, sanadihii u dambeeyay amnigeedu soo hagaagayay.
BOSASO ONLINE