DOHA: Maxay ka wadahadleen MW Xassan Sheekh & Farmaajo ?

DOHA (BOSASO ONLINE) Madaxweynaha DFS, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula yeeshay magaalada Doxa ee dalka Qatar Madaxweynihii 9aad ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Villa Soomaaliya ayaa baahisay in Xassan Sheekh iyo Farmaajo ay ka wadahadleen xaalada guud ee dalka iyo duruufaha ku xeeran.

“Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.”

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS