Garaad Jaamac “Laascaanood waxaa ka soconaya dembi dagaal oo lamid ah kan Ukraine”

150 qof ayaa lagu dilay, in kabadan 500 oo ruuxna waa ay ku dhaawacmeen duullaanka Somaliland ku qaaday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, oo galay maalintii 17aad, sida uu sheegay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah ‘Garaadka guud ee madax-dhaqameedka deegaannada SSC’.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Laascaanood ayuu ku sheegay Garaad Jaamac, in xaafado kamid ah magaalada ay ku burbureen duqeymo aan loo meel dayin oo ciidamada Somaliland ku garaacayaan Laascaanood, isagoo xusay in waxa ka dhacaya Laascaanood aysan ka socon dunida meel kale oo kamid ah, marka laga reebo Ukraine.

“Magaalada in ku dhow 500 oo kun oo qof baa kunooleyd, maantana 50 kun oo qof gudaheeda kuma ay sugna, waxa qixiyay daadad, duufaano, dhulgariir iyo dhibaato kale oo ka dhacday ma aha, waa duullaanka, xabadda iyo madfaca maamulka Somaliland.”

“Dhimashadu 150 madaxa bay la galaysaa, dhaawacu 500 kor buu u dhaafay, xaafado dhan baa baaba’ay oo aan la geli kareyn oo dhulka la siman, dembi dagaal baa magaalada ka dhacaya cad, maanta meel kale oo uu adduunka ka dhacayo oo aan Ukraine aheyn jirin” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali oo intaa ku daray in dad dhintay loo sameeynayay aas-wadareed, kadib markii la awoodi waayay in qof qof loo aaso.

Sidoo kale, Garaad Jaamac ayaa sheegay in ay wadi doonaan difaaca dadkooda iyo deegaankooda ilaa ay u madax bannaanadaan, qiime walba ha ugu kacdee.

“Annagu dad naftooda, guryahooda, maalkooda iyo sharaftooda ilaashanayaanu nahay, inta qof naga nool yahayna xaaladaas baan ku sugnaaneynaa ilaa aan ku guuleysano in dadkayaga iyo dalkayaga u madax banaanaano, qiimo kasta oo tan nolashu u qaalisan tahay oo tan maalku ay ku xigto waanu galinaynaa.”

Madaafiicda Somaliland la dhacayso Laascaanood ayaa waxaa dadka ku dhintay kamid ah qoysas dhan oo ay kamid yihiin hooyo iyo 7 carruur ah oo ay dhashay, sidoo kale, waxaa ku dhintay hooyo xaamilo ah oo la doonayay in lagu dhaliyo mid kamid ah isbitaalada magaalada Laascaanood.

Beesha Caalamka ayaa qirtay in gabood-fallo ka dhan ah rayidka ay ka dhaceen Laascaanood. War kasoo baxay saaxiibada caalamiga ah ayaana lagu sheegay in lagula xisaabtami doono cidda geysatay – Somaliland.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS