War-murtiyeed ka kooban 15 qodob ka soo baxay shirkii iskaashiga amniga ee madaxda wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya, kaas oo maanta ka qabsoomay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Shirka ayaa looga hadlay sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo madaxdu ay falaanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa ka qeybgalay shirka ka dhacay Hotel Decale oo ku yaalla xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka kasoo baxay Shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.
BOSASO ONLINEÂ