Wasiirka Qorsheynta Puntland, Maxamed Siciid Faroole ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Sharmaake Cali Xasan.
Waraaq kasoo baxday Wasiir Maxamed Faroole ayaa lagu sheegay in sidoo kale la hakiyay dhamaan akoonada ay Wasaaradda Qorsheyntu ku leedahay Bangiyada, isagoo ku wargeliyay xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Puntland in baaris maaliyadeed iyo maamul lagu sameeyo Agaasimaha shaqo joojinta lagu sameeyay.
PUNTLAND TIMES