Sidee u dhacay dilka Taliyihii Sirdoonka Qaranka ee gobalka Gedo ?

Taliyihii Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka (NISA) ee gobalka Gedo, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Bakaal Kooke) ayaa lagu dilay xalay saqdii dhexe qarax loogu xiray gaarigiisa.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu G/Sare Bakaal Kooke uu marayay wadada xariirisa degmooyinka Luuq iyo Doollow ee gobalka Gedo. Sidoo kale, Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliyihii hore ee sirdoonka ee degmooyinka Beled-xaawo iyo Doollow.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka Taliyihii NISA ee gobalka Gedo. War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Taliyaha ay qarax la beegsadeen xilli uu kasoo baxay degmada Luuq.

Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Bakaal Kooke, isagoo amray in baaris dhab ah lagu sameeyo qaraxa lagu dilay Taliye Bakaal.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiiday Marxuum Bakaal Kooke Taliyihii NISA G/Gedo, waxaan farayaa qaybaha baarista ee hay’adda in ay baaritaan dhab ah ku soo sameeyaan kiiskaan” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Marxuum Bakaal Kooke ayaa ahaa sarkaal awood badan ku leh gudaha gobalka Gedo, waxaana la sheegaa inuu ahaa maskaxda maamuleysay Ciidamada DFS ee jooga gobalkaas.

BOSASO ONLINE

 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS