Akhriso: Galmudug oo cambaareeysay afduub loo geystay masuuliyiin katirsan

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa si adag loogu cambaareeyay afduub loogu geystay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud xubno ka socday Galmudug, kuwaas oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug.

Xubnaha ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa doonayay inay ku qabtaan Caabudwaaq doorashada Golaha deegaanka degmada, oo muran badan ka jira.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022.

Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka.

Waxan u mahadcelinaynaa Suldan Ahmed Garbacune iyo Odayashii uu watay ee ku gulaystay in ay so dayaan Shaqalihii shalay la afduubay.

Dowlada Galmudug waxay muhiimada kowaad sinaysa Dhismaha Dowlada hoose ayado sanadkaan anu ku jirno ay dhismen ila iyo shan dagmo

Ugu danbeyn Dowlada Galmudug Waxaay farayaa hay’adaha Amniga in Amniga Dagmada caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto.

……Dhamaad…..

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS