War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Soomaaliya ayaa eedeeyn loogu jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka keena Qaadka Kenya iyo Itoobiya.
Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegtay in ganacsatada Qaadku ay diideen inay Dawladda Soomaaliya kala shaqeeyaan siddii looga qaadi lahaa canshuurta sharciga ah Qaadka, waxaana ay xustay inaan la aqbali karin diidmadooda.
“Waxaa nasiib darro ah in maanta Ganacsatada gaadka ka ganacsata ay diideen in ay Dowladooda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd ee lagu saleeyay cabbirka kiloogaraamka, iyadoo Qaadka laga keeno Kenya iyo Itoobiya lagu soo dhoofiyo kiiloogaraam.”
BOSASO ONLINE