Tirada dadka la nool AIDS-ka ee ku sugan Puntland oo korortay

Hay’adda HIV/AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa maanta si kooban uga warbixisay xogtii u danbaysay ee xanuunkaas.

Agaasimaha hay’adda PAC Cabdulqaadir Maxamed Burburshe ayaa shaaciyay  in sannadkan uu koror ku yimid dadka la nool AIDS-ka ee ku sugan Puntland.

Agaasimaha ayaa sheegay in dadka booqanaya xarumaha caafimaadka ee qaadanaya dawooyinka AIDS-ka ay sannadkan gaareen 604 qof guud ahaan Puntland.

Sannadkii hore ee 2021 ayuu sidoo kale sheegay in dadka ku xirnaa xarumaha caafimaadka ee qaadanayay dawooyinka cudurkaas ay gaarayeen 521 qof.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan dad la nool xanuunka AIDS-ka oo qarsada sababa la xiriira in aan la faquuqin islamarkaana aan tira-koob laga hayn.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS