Xubno isku qoys ah oo lagu laayay gobolka Shabeellada dhexe

Qoys ka kooban shan ruux ayaa xalay lagu laayay tuulo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, sida laga soo xigtay dadka degaankaas.

Qoyskan ayaa sida la xaqiijiyay lagu laayay tuulada Xaluule, oo ka tirsan degmada War-sheekh ee gobolka Shabeellada dhexe.

Marxuumiinta oo dhammaantood rayid ahaa sida wararku sheegayaan loo laayay aanooyin la xiriira colaad qabiil oo ka aloosan degaanka.

Dabley hubaysan oo dil-wadareedkan fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday islamarkaana weli laguma guulaysan in gacanta lagu dhigo.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS