Wararkii ugu dambeeyay ee Weerar Al-Shabaab ku qaaday Hotel Villa Rossa

Rasaas goos goos ah ayaa weli ka dhacaysa Hotelka Villa Rossa ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo xalay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen dabley katirsan kooxda Al-Shabaab.

Hotel Villa Rossa ayaa ku yaalla xeyndaabka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, isagoo dhabarka ku haya guriga deegaanka Madaxweynaha. Weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday Hotelkan ayaa yimid xilli uu shir uga socday Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeeda gobalka Gedo.

Bilowga hore ee weerar, ayaa la xaqiijiyay in dadka ku dhaawacmay uu ku jiro Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe). Sidoo kale, khasaare dhimasho ah ayaa ka dhashay weerarka oo ilaa hada socda.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiray waddooyinkii ay mari lahaayeen Ciidanka gurmadka ahaa ee ku socday Villa Rossa, maadama Hotelku uu ku dhow yahay hoyga Madaxweynaha, taas oo keentay in ilaa hada ay Shabaab ku jiraan gudaha Hotelka.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka, iyagoo xusay inay dagaalamayaashooda oo ku sugan gudaha Hotel Villa Rossa ay iska caabinayaan Ciidamada Soomaaliya, ayna khasaare ku gaarsiiyeen dawladda.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dawladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkan, marka laga soo tago Booliska Soomaaliya oo sheegay in dad badan oo ay ku jiraan masuuliyiin laga soo badbaadiyay hotel Rossa.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS