Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in ay tahay waxaan la aqbali karin in kufsi iyo dil lagula kaco Haweeenka.
Axmed Karaash ayaa xusay in kufsigu uu Puntland ula mid yahay kiisaska la xariira Shabaabnimada, ayna ka ula dagaalami doonaan, isagoo ugu digay odayaasha dhaqanka inay kasii shaqeeyaan in la difaaco dambilayaasha dhibaataya Haweenka.
Sidoo kale, Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay Guddi u saareen kiisaskii ugu dambeeyay ee la xariira kufsiga kana dhacay deegaannada Puntland, isagoo tilmaamay inay cadaaladda horkeeni doonaan kuwii ka dambeeyay.
71 kiis oo isugu jira kufsi iyo dil ayaa ka dhacay deegaannada Puntland sannadkan, kuwaas oo qaarkood loo geystay gabdho yar yar, sida ay shaacisay Wasaaradda Haweenka Puntland.
BOSASO ONLINE