Booliiska Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin ku eedaysan in uu dil ka geystay gudaha huteel ku yaalla magaalada Hargeysa.
Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay Baashe Faarax Cabdi oo ku eedaysan dilka marxuum Jimcaale Rashiid Xasan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliiska Somaliland.
Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa” ayaa lagu yiri qoraalkaas.
Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo isku dayda in ay amni-darro ka samayso gudaha Somaliland.
BOSASO ONLINE