Akhriso: Amiirkii Al-Shabaab ee gobalka Banaadir oo u geeryooday dhaawac

War-saxaafadeed kasoo baxay Dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu ku geeryooday degmada Jiilb ee gobalka Jubadda dhexe Amiirkii kooxda Al-Shabaab ee gobalka Banaadir, Maxamed Xasan Cumar (Abu Cabdiraxmaan).

Abu Cabdiraxmaan ayaa u geeryooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay xadka labada Shabeelle.

“Maxamed Xasan Cumar oo Khawaarijtu u taqaaney Abuu Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta Shabaab ee ugu sarsareeya. Ayaa waxaa uu Bil ka hor ku dhaawacmay hawlgal ay Ciidamada Qaranku ka fuliyeen xadka udhaxeeya
labada Shabeelle waxaana Khawaarijtu ay dhaawiciisa geeyeen magaalada Jilib ee
Gobolka Jubbada Dhexe halkaas oo uu ugu geeryooday daryeel’aan caafimaad iyo
dhaawaciisa oo halis ahaa.” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS