Daawo: Madaxweyne Deni “Hada waxaa soo baxay Mulkiilayaal, horeba looma shaqeyn karo”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay qurbajoogta reer Puntland inay qeyb ka noqdaan taageerada hirgelinta nidaamka dilmuquraadiyeynta Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni oo xalay kulan kula qaatay Nairobi qurbajoogta reer Puntland ee Kenya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay hada kusoo badatay wax la yiraahdo mulkiilayaal, kuwaas oo keena Madaxweynaha talada imaanaya.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa xusay in uu doonayo in Puntland ay ka guurto mulkiilayaal dawladda soo dhistay, oo ay shacabku soo doortaan, ayna dhaqaalahooda ku darsadaan tartanka doorashooyinka qof iyo codka ah.

“Hadda waxaa soo baxay mulkiilayaal leh waan ku maal geliyey marka bahasha inaan furnaa rabnaa oo nin walba labadiisa doollar ku darsado girgirkana qabsado meeshana ka saarno Damjadiid iyo Dam fulaan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Xukuumadda Puntland oo horey ugu guuleysatay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu qabtay saddex degmo, ayaa hada qorsheynaysa inay bartamaha sanadka soo socda ee 2023 ka qabato degmooyin hor leh doorashooyinka dadweynaha, kuwaas oo shacabku kusoo dooranayaan xubnaha ku matalaya golayaasha deegaanka.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS