Madaxweyne Xasan Sheekh oo u socdaalaya dalka Itoobiya

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu u socdaalo todobaadkan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Waa safarkii u horreeyay oo uu ku tagay Madaxweyne Sheekh Itoobiya, tan iyo markii la doortay 15kii bishii May, ee sannadkan, isagoo horey booqashooyin ugu tagay dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa gobalka, sida Kenya, Jabuuti, Eritrea iyo Ugandha.

Hoggaamiyaha Soomaalida oo casuumaad ka helay Addis Ababa ayaa kulan la qaadan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo ay ka wada-hadlin doonaan xariirka labada dal iyo arrimo kale, oo uu kamid yahay dagaalka argagixisada.

Xariirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u muuqday mid aan wanaagsaneyn intii uu xafiiska joogay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana mugdi badan sii galiyay kaddib booqashadii maalmaha qaadatay ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay caasimadda Masaar ee Qaahira.

Wafti hordhac u ah Madaxweynaha DFS ayaa ku sugan Addis Ababa, wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in Xasan Sheekh Maxamuud uu Addis Ababa gaaro arbacada berri ah.

Telefishinka dawladda Itoobiya ayaa dhowaan warbixin uu baahiyay ku sheegay in xubno ka agdhow Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariir la leh TPLF, ay ka shaqeynayaan xumeynta xariirka labada dal, balse war kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay warbixintaas aysan ka turjumeyn siyaasadda dawladda Itoobiya.

Addis Ababa ayaa xariir wanaagsan la laheyd Dawladdii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana mucaaradkiisii oo hoggaankooda uu kamid ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda talada haya marar badan ku dhaliileen in uu la sixiixday Abiy Ahmed heshiisyo halis ku ah dawladnimada Soomaaliya, kuwaas oo aan la horgeyn Baarlamaanka JFS.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS