Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Wasiirada Arrimaha Dibedda Somalia & Ethopia ?

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Abshir Omar Haruuse ayaa kulan kula qaatay magaalada New York ee dalka Mareykanka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Itoobiya ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Demeke Mekonnen.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dal iyo siddii uu ahaan lahaa mar walba mid xoogan, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiir Abshir Omar.

“Waxaan kullan ku yeelannay xarunta Qaramada Midoobey ee New York ee uu ka socdo shirka 77-aad ee Qaramada Midoobey, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen. Intii uu shirku socdey waxaan ka wada hadalnay xiriirka labada dal iyo sidii uu marwalba u ahaan lahaa mid wanaagsan.”

Xariirka Dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u muuqday mid aan wanaagsanayn, tan iyo markii uu xafiiska yimid Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana meesha ka baxay wada shaqeyntii wanaagsaneyd ee Villa Soomaaliya ay la laheyd Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali waqtigii uu dalka hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay qaar kamid ah dalalka caalamka, oo ay kamid yihiin kuwa gobalka, sida Jabuuti, Kenya, Eritrea, Tanzania iyo Ugandha ayaana booqan ilaa hadda Itoobiya.

Itoobiya ayaa dhankeeda dib u bilowday xariirka ay laheyd qaar kamid ah Dawlad Gobaleedyada Soomaaliya. sarkaal sare oo u hadlay Addis Ababa ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay kaddib duulaankii ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen xaduudka dawlad deegaanka Soomaalidu uu la wadaago goballada Bakool iyo Hiiraan.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS