Sawirro: Xasan Sheekh iyo William Ruto oo ka wada-hadlay ganacsiga Qaadka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee Kenya William Samoei Ruto, kaas oo shalay loo dhaariyay xafiiska.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada dal, iyo xaalada amni ee Soomaaliya iyo gobalka Geeska Africa iyo dardargelinta ganacsiga qaadka.

William Ruto, Madaxweynaha Kenya oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa xusay inay isla gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in la dhameystiro guddiga wadajirka ah ee labada dal, si loo xoojiyo ganacsiga qaadka iyo kalluunka.

“waxaan si deg deg ah u daba gali doonaa hirgelinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga Miraa iyo kalluunka waxayna fududayn doontaa isu socodka labadayada qaran.”

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS