Abaaraha ka jira deegaannada Puntland ayaa kasii daraya, iyadoo Xukuumadda Puntland ay sheegtay inay sii kordhaysa saameynta abaarta, taas oo galaafatay dad iyo duunyo fara-badan.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa isku dal-dalay deegaanno kamid ah gobalka Gardafuu, kaddib markii ay xoolihii ay dhaqanayeen, ayna ku noolaayeen ku waayeen abaarta.
Labada qof ee is dal-dalay ayaa kala ah Mustafe Cali Ciise iyo Hodan Muuse, waxaana ehellada labada marxuum ay sheegeen inay nafta isku dhaafiyeen xargo ay surteen guryahooda.
Aabbe Muuse Siciid Ismaaciil, oo ah Aabbaha dhalay marxuumad Hodan ayaa xusay in gabadhiisa oo aheyd xaas, joogtayna degmada Baargaal ay isu dal-dashay saameynta abaarta oo galaafatay xoolihii ay heysatay.
Qof labaad oo ahaa Mustafe ayaa eheladiisu sheegeen in uu is dal-dalay, kaddib markii abaarta uu ku waayay ilaa 200 oo neef oo ahaa hantida kali ah ee uu heystay, taas oo uu ka biilayay qoyskiisa iyo hooyadii oo dhimirka ka xanuunsan.
Sidoo kale, Deegaanno katirsan Puntland ayaa carruur ku geeryootay kaddib markii ay soo wajahday nafaqo darro ka dhalatay abaarta jirta.
Layla Cabdi Cartan, Wasiir kuxigeenka Gargaarka Puntland ayaa saxaafadda u sheegtay inay abaartu sii cuslaaneyso, ayna dawladdu sameysay dadaalo loogu gurmanayo dadka abaaruhu saameeyeen, balse xaaladu adag tahay.
Wasiir kuxigeenka Gargaarka ayaa ugu baaqday guud shacabka iyo hay’addaha caalamiga in la xoojiyo gurmadka, gacana laga geysto samata-bixinta dadka ay saameysay abaarta.
Guud ahaan Soomaaliya ayaa hada wajahaysa abaar ballaaran, DFS ayaa sheegtay in 6.9 milyan oo qof ay saameysay abaartu, ayna galaafatay malaayiin kamid ah xoolihii dadku dhaqanayeen.
cabdirashiidzaki20@gmail.com
BOSASO ONLINE