Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab, kaas saaka ka dhacay deegaanka Basra ee gobalka Shabeellaha dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo Duufaan oo kamid ah Hay’adda NISA, ay weerar ku qaadeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku laheyd agagaarka deegaanka Basra.
Deegaanka Basra ayaa waxaa uu ururka Al-Shabaab ka hirgeliyay Maxkamad, taas oo ay uga yeeraan dadka Muqdisho, ayna kasoo saaraan xukuno dil iyo ganaax lacageed ah.
Saraakiisha hoggamineysa Ciidanka Dowladda ee weerarka ku qaaday deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegay in ay gabi ahaanba burburiyeen Maxkamad ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa xusay in dagaalku uu istaagay, ayna Ciidamadu hadda isku fidinayaan nawaaxiga deegaanka.
BOSASO ONLINE