Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho, kaddib safar shaqo oo uu 5 maalmood ku joogay xarunta Puntland ee Garoowe.
Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland oo ay wehlinayeen Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa kusii sagootiyey Madaxweynaha JFS garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir.
Maxaa kasoo baxay kulamadii Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha Puntland ?
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khamiistii soo gaaray Garoowe ayaa maalmihii hore ee joogistiisa caasimadda Puntland kulamo xariir ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in kulamada labada Madaxweyne looga hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dhameynta madmadowga labadooda soo kala dhexgalay tan iyo markii ay dhacday doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh 15kii May, xoojinta wada-shaqeynta Hay’addaha DFS iyo Puntland, mashaariicda iyo kaalmada caalamiga ah, kheyraadka dalka iyo siddii ay shir isugu imaan lahaayeen Madaxda DFS iyo Dawlad Gobaleedyada.
Xubno ku dhow Madaxtooyadda Puntland ayaa u sheegay BosasoOnline, in labada Madaxweyne ay isla meel dhigeen saddex qodob, kuwaas oo kala ah dhameynta madmadowga labadooda ka dhexeeyay, dardargelinta wada-shaqeynta XFS iyo Puntland, iyadoo Garoowe ay imaanayaan dhowaan Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre iyo xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, iyo qabsoomida shir ay yeeshaan Madaxda DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah Federaalka, kaas oo ay martigalinayso Puntland.
Labada Madaxweyne ayaa dhanka kale isku mari waayay is afgarad laga gaaro qodobada qaar, kuwaas oo dib loogu dhigay kulamada dambe ee la qorsheynayo.
Kulamadii kale ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Garoowe.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa caasimadda Puntland ee Garoowe kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee laga soo doortay goballada Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn iyo qaar kamid ah Isimmada dhaqanka Puntland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray xarumaha dawladda ee ku yaalla Garoowe.
BOSASO ONLINEÂ