Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud iyo wafti kooban oo uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay caasimadda Puntland ee Garoowe.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobalka Nugaal, kan Garoowe iyo shacab kooban ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha oo labo maalmood ku sugnaan doona caasimadda Garoowe ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Puntland, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta wada-shaqeynta DFS iyo Puntland, sii deynta mashaariic iyo dhaqaalaha dawladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ka xanibtay Puntland iyo kuwa cusub, iyo siddii Madaxtooyada Garoowe saameyn ugu yeelan laheyd xubnaha ku matalaya Puntland DFS.
Waxaa xusid mudan in Puntland ay hoos u dhigtay maqaamkii sareeyay ee lagu soo dhaweyn jiray madaxda cusub ee DFS, kolka ay booqasho ku tagaan Dawlad Gobaleedyada dalka.
BOSASO ONLINEÂ