Sawirro: Puntland iyo Itoobiya oo iska kaashanaya dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan ciimamada dalka Itoobiya oo maanta soo gaaray caasimadda Puntland iyo Qunsulka Itoobiya ee Puntland Mudane Dagnachew Yitbarak.

War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, looga hadlay arrimo ay kamid yihiin iskaashiga Ammaanka labada dhinac iyo la-dagaallanka Argagixisada.

“Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada”.

Sidoo kale, kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay iskaashiga ganacsi iyo isu socodka dadka, sida lagu sheegay warka Madaxtooyada Garoowe.

Kulanka ayaa dhanka Puntland waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS