Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goordhow loo dhaariyay Xildhibaan abad ah oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Farmaajo ayaa ku noqonaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 277 Xildhibaan, isaga iyo Madaxweynaha xilligan Xasan Sheekh Maxamuud oo la dhaariyay sanadkii 2017kii.
Qodobka 64aad farqadiisa 4 ee Dastuurka KMG waxaa uu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo Xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay, haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn iyadoo muddadii Xil heyntiisa dhammaan, si waafaqsan qodobka Dastuurkan tirada Xildhibaannadana ayuu dheeraad ka yahay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo Xildhibaano uu horkacayo ayaa gudbiyay mooshin, ay ku dalbanayaan in aan la dhaarin Farmaajo, maadama uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur sannadkii 2017kii. Balse Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isku raaciyay in la dhaariyo Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo kaddib markii cod la geliyay mooshinkii uu soo gudbiyay Warsame.
BOSASO ONLINEÂ