Golaha Shacabka BJFS oo maanta yeelanaya kulan

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo axad ah yeelanaya kulan, kaas oo ajandihiisa uu qeyb ka yahay dhaarinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo noqonaya Xildhibaan aan dhicin oo kamid Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu dooran doonaa Guddoonka Guddiyada Golaha Shacabka, oo dhowaan uu shaaciyay Guddoomiyaha golaha Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Dastuurka KMG ah ee JFS, ayaa qaba in Madaxweyne kasta oo hoggaamiya dalka si nabad ahna ku wareejiya xukunka, waxaa uu noqonayaa Xildhibaan aan dhicin oo kamid Golaha Shacabka BJFS.

BOSASO ONLINE

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS