Ciidamada Amniga Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday Hotel Hayaat, kaas oo socday in ka badan 30 saacadood.
In ka badan 25 ruux ayaa ku geeryooday weerarka oo bilowday habeenkii jimcuhu ka baxayay, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 50 qof, kuwaas oo lagula tacaalayo isbitaalada Muqdisho.
Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa sheegay in la dilay maleeshiyaadkii ka dagaalamayay gudaha Hotelka, ayna hadda wadaan baarista haraadiga walxaha qarxa oo ay isticmaalayeen.
Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan, ayaa xustay inay ku guuleysteen hadaftoodii. Afhayeen u hadlay Ururka ayaa intaa ku daray in xubno kamid ah dagaalamayaashii galay hotel Hayaat ay si nabad ah uga baxeen.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dawladda Soomaaliya oo ku aadan howlgalkan qaatay saacadaha badan, marka laga soo tago qoraal tacsi ah oo shalay uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamze Cabdi Barre.
BOSASO ONLINEÂ