Farmaajo oo berri loo dhaarinayo Xildhibaan

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa ee Golaha, sida lagu sheegay farriin loo diray goor-dhaweyd Xildhibaanada.

Ajandaha kulanka berri ayaa la xariira dhaarinta Madaxweynihii hore ee DFS, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqonaya Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka, dhaarinta xubin kamid noqonaya Guddiga madaxa banaan ee Dastuurka iyo doorashada Guddoonka Guddiyada Golaha Shacabka.

Hoos ka Akhriso farriinta loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.

Beri oo sabti ah, taariikhdu tahay 20 August, waxaa jira kulanweynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Agendaha:

1. Dhaarinta Madaweynihii hore M.ne Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Adv Dahir – Xubin Guddiga Madaxa Banaan ee Hirgalinta Dastuurka,

2. Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.”

Dastuurka KMG ah ee JFS, ayaa qaba in Madaxweyne kasta oo hoggaamiya dalka si nabad ahna ku wareejiya xukunka, waxaa uu noqonayaa Xildhibaan aan dhicin oo kamid Golaha Shacabka BJFS.

BOSASO ONLINE 

Related Articles

FACEBOOK FEED

TWITTER TIMELINE

YOUTUBE CHANNEL

ENGLISH NEWS