Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha baqiic ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxda sare ee Somaliland, oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland, Muse Bihi Abdi, Wafuud ka kala socotay dhulka Soomaalida, siyaasiyiin, abwaanno, fannaaniin, qoraayo, ganacsato, madax-dhaqameed iyo boqollaal kamid shacab ayaa ka qeybgalay Aaska AUN Abwaan Hadraawi.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Hadraawi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, asxaabta, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu marxuumku ka baxay, waxana uu ku dheeraaday shaqsiyaddii marxuumka iyo dedaalladii taariikhiga ahaa ee uu geliyey danta guud ee bulshada iyo sidii uu wanaagga tusaalaha ugu ahaa.
“Hadraawi qof kasta oo Af soomaali ku hadlaba waxan is leeyahay naftiisa ayuu kala hadlay, qof kasta oo qoys kastabana kamid buu ahaa, labada walaalaha ah, waalidka iyo labada is qabaa mid waliba murtida Hadraawi dhinaciisa ayuu ka isticmaalayey.” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aaska qaran ee AUN Abwaan Hadraawi khudbad ka jeediyay.
BOSASO ONLINEÂ