Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa labo garab u kala jabay, xilli loo ballansanaa in 3 galabnimo lagu dhawaaqo natiijada doorashada Madaxweynaha Kenya.
Xubno kamid ah Guddiga doorashada Kenya, ayna hoggaaminayso Guddoomiye kuxigeenka Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Sarena Hotel ayaa sheegay in gaba-gabadii tirinta codadka doorashada ay ka dhaceen khaladaad badan, sida in aysan waxba kala socon.
“Guddiga shaqo wanaagsan ayuu qabtay, balse waxay ahayd waxyaabaha qaar in la daah-qaado.. natiijada lagu dhawaaqi doono ‘masuuliyadeeda ma qaadi karno.”
Juliana Cherera, ayaa xustay in bilowgii ay doorashadu ku socotay si wanaagsan, balse dib ay ka khaldantay. Waxaa ay sheegtay inay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah, iyadoo ugu baaqday shacabka inay is dajiyaan.
Raila Odinga ayaa ka baaqsaday xarunta Guddiga IEBC ee Bomas, oo ay ku sugan yihiin musharrixiinta ay doorashada ku loolamayaan oo uu kamid yahay William Ruto.
Xisbiga Odinga ayaa dhankooda shaaciyay in lagu shubtay doorashada, laysna daba mariyay tirinta codadka, iyagoo ka digay in lagu dhawaaqo.
BOSASO ONLINE